Qaamuuskan Murtida ah waa ururin ballaaran oo ka kooban maansooyinka iyo heesaha ugu caansan ee suugaanta Soomaaliyeed. Wuxuu qoraagu isugu keenay tix iyo tiraab leh xikmad iyo murti qoto dheer oo ka turjumaysa taariikhda iyo dareenka dadka Soomaaliyeed. Buuggu wuxuu u qaybsan yahay qaybo ay ku jiraan Gabayada, Geeraarrada, iyo heesaha dhaqanka sida heesaha hawleedka.Nuxurka buuggan wuxuu ku saabsan yahay sidii loo keydin lahaa murtida abwaannadii hore ee Soomaaliyeed ee maansooyinkooda ay ku jirtay dardaaranka iyo hiddaha. Wuxuu kaloo xambaarsan yahay erey-bixin ballaaran oo muujinaya micnaha ereyada adag ee ku jira suugaanta qadiimiga ah. Waa tixraac muhiim u ah ardayda iyo aqoon-yahanka raba inay si dhab ah u bartaan af-Soomaaliga.Sidoo kale, buuggu wuxiu si gaar ah u taabanayaa doorka ay suugaantu ku lahayd halgankii xornimo doonka iyo sidii abwaannadu u dhiirigelin jireen dadka. Waa buug u adeegaya horumarinta iyo midaynta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Wuxuu soo bandhigayaa sawir cad oo ku saabsan nolosha miyi iyo magaalo ee dadka Soomaaliyeed dhexdeeda.
No reviews yet. Be the first to review!