Buugmaal Logo
Buugmaal Logo
search

Hagaha Sumadda Buugmaal

Hagaha rasmiga ah ee sumadda Buugmaal. Halkan waxaad ka heli kartaa astaanta, midabada, iyo fariinta madashayada.

Qisada & Fikradda Madasha

Magaca Buugmaal wuxuu ka kooban yahay laba eray: "Buug" (Book) iyo "Maal" (Milking/Wealth).

Xoolaha waxa loo maalaa si loo helo caano nafaqo leh iyo hanti, Buugmaal waxay ka dhigan tahay 'maalida' buugaagta si loo helo nafaqo maskaxeed, xikmad, iyo hanti aqooneed oo waarta.

Goobada liimiga (orange) ah ee ku jirta astaanta Buugmaal waxay ka turjumaysaa cadceedda aqoonta, markale waxay muujinaysaa dhibic dahabi ah oo ah xikmad iyo aqoon laga soo maalay buugaagta.

Buugmaal Logo

Astaanta (The Logo)

White Background Logo Caadiga ah
(Iftiin)
Teal Background Logo Gadaal Madow
(Teal)
Black Background Logo Muuqaalka Madow
(Dark Mode)
Orange Background Logo Midabka Liimiga ah
(Orange)

Midabada Madasha (Color Palette)

Deep Teal

Midabka Aasaasiga ah

HEX: #006666

RGB: 0, 102, 102

Sunrise Orange

Midabka Labaad / Ficillada

HEX: #FF8C00

RGB: 255, 140, 0

Midnight Teal

Gadaasha Muuqaalka Madow

HEX: #0F2323

RGB: 15, 35, 35

Soft Cream

Gadaasha Muuqaalka Iftiinka

HEX: #F5F5DC

RGB: 245, 245, 220

Noocyada Qoraalka (Typography)

Lexend

Farteenna Aasaasiga ah (Google Fonts)

Aa Bb Cc Dd Ee Ff Gg Hh Ii

Jj Kk Ll Mm Nn Oo Pp Qq Rr

Ss Tt Uu Vv Ww Xx Yy Zz

0 1 2 3 4 5 6 7 8 9 & @ # %

Culus (Bold 700) - Waxaa loo isticmaalaa Cinwaannada iyo Astaanta.

Dhexdhexaad (Medium 500) - Waxaa loo isticmaalaa Cinwaan-hoosaadka iyo Batoonada.

Fudud (Light 300) - Waxaa loo isticmaalaa qoraallada dhaadheer iyo akhriska si indhaha ugu roonaato.

Waxa La Ogol Yahay & Waxa Reebban

check_circle

La Ogolyahay

  • check Ku isticmaal astaanta Teal-ka ah (Cagaar-madowga) meelaha gadaashoodu caddaan ama iftiin tahay.
  • check Ku isticmaal astaanta Cad meelaha gadaashoodu madow tahay.
  • check Banee meel ku filan oo u dhaxaysa astaanta iyo waxyaabaha kale ee ku xeeran si ay si fiican ugu muuqato.
  • check Markaad weyneyneyso ama yareyneyso astaanta, isku dheelitir (ha dhumin qaabkeeda).
cancel

Reebban

  • close Ha kala jiidin, hana tuujin astaanta.
  • close Ha beddelin midabada buugga ama astaanta (goobada).
  • close Astaanta ha ku darin har (shadow) ama isbeddel midab (gradient) oo aan ahayn midka rasmiga ah.
  • close Ha dul saarin astaanta sawirro buuq badan (busy photos) ilaa aad ka saarto midab madow oo khafiif ah (dark overlay).