Buugmaal
Kaydka Aqoonta & Iftiinka Maskaxda
Hadafkeena
Waxaan isku xidhnaa qorayaasha iyo akhristayaasha Soomaaliyeed annagoo adeegsanayna madal dijitaal ah oo fudud, si loo kobciyo wadaagga aqoonta iyo horumarka suugaanta bulshada.
Ku Saabsan Buugmaal
Buugmaal waa maktabad dijitaal ah oo Soomaaliyeed, taas oo loogu talagalay wadaagista buugaagta elektaroonigga ah iyo kuwa daabacanba. Waxaan u taagannahay inaan hodminno nuxurka Af-Soomaaliga ee intarneedka.
Maxaan Qabanaa?
- Fududeynta Baahinta & Akhriska: Waxaan qorayaasha ka caawinnaa inay buugaagtooda u baahiyaan si fudud oo kharash la'aan ah, iyadoo akhristayaashuna ay helayaan buugaag tayo leh oo qaybo kala duwan isugu jira.
- Bulsho Isku-xiran: Akhristayaashu way qiimeyn karaan buugaagta, faallooyin ayay ka dhiiban karaan, waxayna dhisan karaan maktabadooda gaarka ah, iyagoo la falgalaaya qorayaasha iyo akhristayaasha kale.
- Ilaalinta Hidaha: Waxaan kaydinnaa oo aan lacag la'aan ku baahinaa dhigaalladii taariikhiga ahaa iyo buugaagtii hore, si loo ilaaliyo dhaxalka dhaqan ee Soomaaliyeed.
- Ixtiraamka Xuquuqda Qoraaga: Buugaagta xuquuqdoodu dhowrsan tahay waxaan bandhignaa oo kaliya xogtooda (jaldiga, ciwaanka, sharaxaadda) si loo qiimeeyo loogana faalloodo, iyadoo aan la soo dejisan karin ilaa qoraagu fasaxo mooyaane.
Hiigsiga Buugmaal (Aragtida)
In Buugmaal ay noqoto madal Soomaaliyeed oo isku xirta dadka xiiseeya akhriska, qorista, curinta, suuq-geynta, iibinta, iyo qaybinta buugaagta Soomaaliga ee elektaroonigga ah iyo kuwa daabacanba.
Farriinta iyo Qiyamka Buugmaal
- Ka qayb qaadashada horumarka iyo kobaca bulshooyinka Soomaaliyeed, iyo baahinta wacyiga & dhaqanka aqriska.
- Ilaalinta, ururinta, kala saarista, iyo kaydinta dhigaallada Soomaalida.
- Qiimaynta iyo faallaynta buugaagta, iyo in buugaagta qiimaha leh lala wadaago akhristayaasha.
- Fududeynta faafinta buugaagta iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya qorayaasha iyo akhristayaasha.
- Fududeynta suuq-geynta, iibinta, iyo qaybinta buugaagta Soomaaliyeed ha noqdeen kuwa elektaroonig ah ama kuwa daabacan.
- Ilaalinta xuquuqda daabacaadda iyo milkiyadda aqooneed ee qorayaasha.
Waxa Aan Bixino
Hal-abuur Soomaaliyeed, awood dijitaal ah.
Soo Geli Buugaag
Qorayaashu waxay buugaagtooda si fudud ula wadaagi karaan akhristayaal balaadhan, iyaga oo kaydinaya kasmooyinka Soomaalida si ay u gaadho jiilalka mustaqbalka.
Akhri Dhigaallo
Hel maqaallo iyo dhigaallo ku qoran Soomaaliyeed oo aad u tiro badan, kuwaas oo ay soo xuleen khubaro iyo xubnaha bulshadu.
Ku Biir Bahda Buugmaal
La xiriir oo la sheekayso akhristayaasha iyo qorayaasha kale. La wadaag aragtiyahaaga oo hel bulshada aad isku xiisaha tihiin.
Kooxda
Dadka aragtidan ka dambeeya
Eng. Amin
Horumariyaha Sare
Suldan
Kormeeraha Guud
Abdalla
Aasaasaha
Xuquuqda milkiyadda aqooneed waxay u dhowrsan tahay qorayaasha magacyadoodu ku xusan yihiin buugaagta, madashuna mas'uul kama aha aragtiyaha qorayaasha. Buugmaal Waxa lagu baahiyaa Dhigaallada taariikhiga ah, iyo buugaagta ay qorayaashoodu oggolaadeen in la baahiyo.