Aadan Xassan Aadan "Beleloo"
Aadan Xassan Aadan oo ku magac dheer "Beleloo" waa abwaan dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed, kaas oo si weyn ugu soo dhex muuqday saaxadda suugaanta sannadihii u dambeeyay. Wuxuu dhashay dalka Jabuuti, halkaasna wuxuu ku qaatay waxbarashadiisa iyo inta badan khibraddiisa suugaaneed. Beleloo wuxuu caan ku yahay tixaha uu ku cabiro xaaladaha taagan iyo dhibaatooyinka bulshada.Curintiisa Saabxidh waxay muujineysaa inuu yahay qof aqoon durugsan u leh xeerarka maansada Soomaaliyeed. Beleloo wuxuu barnaamijyo badan oo suugaaneed ka soo bandhigay telefishinnada iyo idaacadaha dalka Jabuuti. Wuxuu dhiirigelin u yahay dhallinyarada raba inay afka hooyo ku cabiraan dareenkooda iyo aqoontooda.Abwaanku wuxuu kaloo ka qayb qaatay tartamo iyo aqoon-is-weydaarsiyo badan oo heer gobol iyo heer caalami ah. Beleloo wuxuu hadda yahay mid ka mid ah tiirarka suugaanta casriga ah ee Soomaaliyeed. Dadaalkiisa wuxuu ku darsaday in afka iyo suugaanta Soomaaliyeed ay gaaraan meel sare, isagoo mar walba xoogga saaraya tayada iyo nuxurka tixdiisa.
Total Books
1
Reads & Downloads
2
Average Rating